Warar ka siyasada
Warar cusubSheikh Xasina: Haweenaydii tobannanka sano xukunka dalkeeda haysay ee hadda magangalyo doonka ah
BangaladeshXIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Saacad ka hor
Ka dib toddobaadyo si darran ay dibad-baxyo rabshado watoo ay ka dhaceeyeen dalka Bangaladesh, dhalinyaro ka gadooday qoonda shaqada ee dowladdeedu soo bandhigtay ayaa aakhirkii ku qasbay inay iyadii xilka ka degto ka dibna ay u baxsato dalka ay dariska yihiin ee Hindiya.
Tani waxay soo gunaanaday shan iyo toban sano oo xukunka dalkaasi ay haysay.
Sida booliska dalkaasi sheegeen ilaa sagaashan ruux ayaa ku dhintay dibax-baxyada saddex boqol o kalana way ku dhaawacmeen.
Kumanaan qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa xoog ku galay gurigeedii ka dib rasmiga ah ee ay ka degan tahay caasimadda Bangladesh ee Dhaka, taasoo keentay in si lama filaan ah loo soo afjaro xukunkii ugu dheeraa ee haweeney ra’iisul wasaare ka noqota taariikhda Bangladesh.
Sanadihii u danbeyey xukunkeeda waxaa lagu eedeyey kali talisnimo iyo in ay caburinayso cid kasta oo ka soo horjeeda maamulkeeda.
Bishii Janaayo, Sheikh Xasina ayaa ku guuleysatay mar afaraad inay sii hoggaamiso dalkaas ka dib doorasho loo jeediyey in lagu shubtay taas oo mucaaradku ay qaadaceen

Comments
Post a Comment